Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre iyo Shariif oo taageeray Go’aanka Axmed Madoobe Digniin culusna diray

Qoraal ay si wadajir ah ah goordhaw usoo saareen Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Cabdiraxmana Cabdishakuur , ayey uga hadleen damaca waalida ah ee muddo kororsiga uu ku riyoonayo Xasan Sheekh.

Qoraalka ay siyaasiyiintan soo saareen ayey ku caddeeyeen in aysan marnaba aqbali dooni in muddo kororsi sameesto Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna xasuusiyeen in waxii laga dhaxlay muddo kororsigii uu horey u damaaciyay Madaxweyne hore Farmaajo.

Siyaasiyiintan daameynta badan leh ayaa dhanka kale taageeray soona dhaweeyay mowqifka adag uu qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna ugu baaqeen madaxda kale ee maamul goboleedyada in tareenka Xasan Sheekh ka haraan diyaarna u noqdaan in doorasho la qabto.

”Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen saddexdan musharax ee u taagan xilka Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaallo keliya oo kutaalla Liibiya oo ku dhinteen in ka badan 5,200 oo qof kaddib markii..

Cabdi Cade

Rabshado khasaaro dhaliyay oo ka dhacay magaalada Bristol (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la kulmay Guddoomiyaal Maxkamadeed iyo Garsoorayaal

Cabdi Cade