Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Golaha Wadatashiga oo fashil qarka u saaran iyo Axmed Madoobe oo…

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa qarka u saaran in uu fashilmo, kaddib markii madaxda shirka ka qeyb galeysa qaarkood isku fahmi waayeen qodobada qaar ee shirka diirada lagu saarayay.

Sida xogta ku helnay shirka oo aheyd in mar hore lasoo xiro ayaa waxaa caqabad ku noqday gabogabadiisa Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe oo iska diiday qodobada qaar ee shirka looga hadlayay ayna isku raaceen madaxda kale ee shirka qeybta ka ah.

Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday in mar kale muddo kororsi hal sanno ah loo sameeyo madaxda dwlad goboleedyada uu ku jiro, waxa uuna ku adkeestay in muhiim tahay in dowlad goboleedyada ay ka dhacaan doorashooyin, isaga oo diidan in hal mar doorasho qof iyo cod ah la qabto sannadka dambe.

Waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe sheegay in dalka xilligan uusan u diyaarsaneyn in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna ku taliyay in mar kale teendhada la aado lagana fogaado muddo kororsi, uu sheegay in xiisad siyaasadeed iyo colaad abuuri karto.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sidoo kale ku adkeestay in aan la gaari karin go’aan doorasho oo rasmi ah , xilli ay shirka bannaanka ka joogaan dowlad goboleedka Puntland iyo maamulka Khaatumo, waxa uuna xusay in matelaada beesha Daarood badankeed bannaanka joogaan.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe markii la diiday in la qaato tallooyinkiisa bannaanka uga baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana wararku sheegayaan in uu qorsheenayo in maanta dib ugu laabto magaalada Kismaayo.

Shirkan Gokaha Wadatashiga Qaran, ayaa haddii uu sidaan kusoo dhammaado laguna kala tago iyada oon go’aanno laga soo saarin , waxaa u muuqan doonaa in fashil kusoo dhammaan doono qorshihii Villa Soomaaliya ee aheyd in muddo kororsi loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada , si rabitaankooda u hirgalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo u duulay Mareykanka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dilal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ruushka & Ukraine oo qarka u saaran iney gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---