Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan muhiim ah la qaatay Paul Kahuria

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan muhiim ah layeeshay agaasimaha ururka heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema, oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho.

Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Paul Kahuria ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga  wada hadleen Amniga gobolka, Qatarta Argagixisada iyo arrimo kale, waxa ay sidoo kale isla soo qaateen suidii ay dhinacyo badan ay isaga kaashan  lahaayeen.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa agaasimaha ururka heeganka Barriga Africa, kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinacyo badan ka hesha taageero dhinaca ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaana ciidanka hadda loo diyaarinayaa sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan amniga dalka , si meesha looga saaro ciidanka nabad ilaalinta u jooga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ireland, Spain iyo Norway oo dowlad rasmi ah u aqoonsaday Falastiin (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaadiid Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo Muqdisho ku jira iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo Barnaamij cusub ka daahfuray Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---