Duulimaadyada ayaa laga joojiyay guud ahaan garoommada diyaaradaha Iran, laga billaabo 9:00 fiidnimo ee caawa illaa 6:00 subaxnimo, tallaabo u muuqata inay Iran ka hortagayso Khasaare ka dhasha weerarro ay filanayso inay Israa’iil ku soo qaadi karto.
Garoonka diyaaradaha Beirut ee Rafic Hariri ayaa isna la xiray inta u dhaxeysa 9:00 fiidnimo illaa 6:00 subaxnimo ee berri.
Ma cadda tani inay la xiriirto surtagalnimada waqtigaa inay dhici karaan weerarrada aargoosi ee Israa’iil ay doonayso inay ku qaado Iran.
Iran ayaa u aragta inay Israa’iil weerarka ay uga jawaabayso gantaalladii ay toddobaadkii hore ku weerartay ay ku aadin karto 7 Oktoobar, Xiligaasoo ku beegan sanad-guurrada koowaad ee weerarkii Xamaas ay gudaha ugu gashay dhulka ay Israa’iil heysato.
Iran ayaa sheegtay inay isku diyaarisay jawaabta weerar kasta oo uga yimaada dhinaca Israa’iil, iyadoo ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim oo ay xigtay Al Jazeera inay saraakiisha amniga Iran diyaariyeen liiska goobaha ay tahay inay weerarraan si ay uga jawaabaan duulaan kasta oo uga yimaada dhinaca Israa’iil
Goob kasta oo ka mid ah gudaha Israa’iil ayaa lagu sheegay warbixinta inay hadda awood u leedahay Iran inay beegsato.
Israa’iil ayaa doonaysa inay Iran ku qaado weerar ku qasbi kara inay dib uga fikirto rabitaankeeda ah inay gasho iska horimaad waqti dheer qaata.
Saacadihii hore ee maanta warbaahinta Israa’iil waxay sheegtay goobaha ay doonayso inay Israa’iil weerarto ee gudaha Iran inay ku jiraan guriga hoggaamiyaha sare, Madaxtooyadda iyo xarumaha kale ee muhiimka ah, taasoo ka dhigan ku dhawaaqis dagaal iyo in kaliya Iran looga soo tagay iska horimaad toos ah inay la gasho Israa’iil.