Allbanaadir.com
NEWS

Labo dhulgariir oo caawa laga dareemay Addis ababa

Labo dhul gariir ayaa caawa fiidkii waxaa laga dareemay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wax yar kaddib 8-dii fiidnimo sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Dhulgariiradan oo daqiiqado yar kala horeeyey walaac ku abuuray dadka ku dhaqan caasimada Itoobiya.

Cabirka dhulgariiradan ayaa lagu qiyaasay 4.9 Rectal Scale kuwaaasoo lagu tilmaamay qaar aan sidaa u weyneyn

Faahfaahinta ku saabsan baaxadda iyo khasaaraha ay weli soo baxaya, mas’uuliyiintu waxay u badan tahay inay qiimeynayaan xaaladda si ay u soo tabiyaan wararka lagama maarmaanka ah.

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax weyn oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo ciida awgeed ka farxiyey boqolaal Maxaabiis ku xirneyd xabsiyada Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---