Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Wasiir Fiqi ka yiri Mooshinkii dhowaan laga gudbiyey?

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshin ay soo jeediyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka qaar.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuu ka war hayo in xildhibaanada qaar ay u soo jeediyeen eed la xiriirta waxqabadkiisa,

“Waxaan ka mid hay dadka aaminsan la isla xisaabtamo”, ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa uu intaa raaciyay in la kulmi doono xildhibaanada ka cowday, loona baahan yahay in la hubiyo dhab ahaanshaha eedda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee  mooshinka keenay ayaa waxay sheegeen in ay wasiirka ku haystaan gudasho la’aan la xirirta shaqooyinkii loo igmaday qaarkood iyo qaar ka mid ah saxiixyada lagu socodsiiyo howlaha wasaarada oo isagu uu isku koobay.

 

Related posts

Farmaajo oo booqday ciidamo Soomaali ah oo lagu tababarayo dalka Ugandha (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Farmaajo uu taageero la xiriirta doorashada weydiistay Itoobiya?

Caydiid Ali

Nin isku qarxiyay goob lagu shaaho oo kutaala Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---