Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo taageertay Mowqifka Axmed Madoobe ka qaatay Shirka Golaha Wadatashiga

Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo dhaweysay go’aanka uu shirka Golaha Wadatashiga ka qaatay Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) .

Axmed Madoobe ayaa ka biyo diidan in muddo kororsi loo sameeyo madaxda maamul goboleedyada uu kamid yahay, sidoo kale shirka lagu soo biiriyo Puntland iyo Khaatumo, waxa ayna arrintaas saameyn xooggan ku yeelatay gabogabada shirka Golaha Watashiga ee ka socda Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa taageeray mowqifka adag ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran ka qaatay Madaxweyne Axmed Maboobe ka qaatay Shirkaasi.

“Waxaan bogaadinayaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam, mawqifka uu ka istaagay shirka Xamar ka socda sida uu u diiday maqnaanshaha Puntland iyo Khaatumo” ayuu yiri Lugatoor.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho waxaa in muddo ah ka maqan Puntland, waxaana shirkan hadda socda hareeyay khilaaf, kaddib markii Axmed Madoobe ka diiday qodobada qaar ay isku afgarteen madaxda shirka u socdo qaarkood.

Related posts

Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadalkii Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Israa’iil oo ansixisay qorshe hor leh oo ay ku weerareyso Rafah xilli laga cabsi qabo in ay…

Cabdi Cade

Madaxa Ifrah Foundation & Wasiirad Khadiijo oo ka shiray diyaar garowga xuska 6da Febraayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---