Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeysan oo burcad lagu sheegay ayaa xalay deegaanka Warlaliska ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen nin shacab ah, waxaana ninka la dilay la sheegay in laga dhacayay moobeel uu watay , isagoona ka biyo diiday in moobeelka si fudud looga qaato.

Burcada ayaana la sheegay in ay rasaas la dhaceyn Cabdullaahi Dhuguf oo ahaa nin aan waxba ka galabsan balse xoolihiisa dartiis u dileen, waxaana dilka kaddib si caadi ah goobta uga baxsaday kooxdii dilka geesatay oon wali heybtooda la aqoonsan.

Xaafado katirsan degmada Dayiile ee gobolka Banaadir waxaa si joogta ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba uga geestay kooxo burcad hubeysan, kuwaa oo u badan askar katirsan ciidanka dowladda oo dareeskii iyo hubkii dowladda shacabka ku dhibaateenaya.

Laamaha ammaanka ee ka howlgala degmada Dayniile iyo maamulka ka jra degmadaasi , ayaa la sheegay in ay ka jiifteen shaqadii loo igmaday, waxa ayna shacabka cabashgo ka yihiin burcada dhibaatada joogtada ah ku heysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma u baahantahay in Ilmaahaga iyo adiguba baratid quraanka iyo caqiidada islaamka idinkoo gurigina jooga

Cabdi Cade

Banaan bax looga soo horjeeday Wadooyin dhawaan dhagxaan lagu xiray oo Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade

Qareeno Weerar Khasaaro dhimasho sababay ku qaaday Isbitaal !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---