Xisbullah, waxay ka sarreysa militari ahaan dal kasta oo Afrika ah , halka wax soosaarkooda ay ka sarreyso inta badan dalalka carabta,sababtoo ah carabta hubkooda iyo nidaamkooda difaac waxay ka yimaadaan dibadda, taa oo ka dhigan inaysan iska horimaad la geli karin Israa’iil iyo dalalka galbeedka! Waxayse wajahaysa Xisbullah Israa’iil oo adeegsanaysa hubka iyo tignaalajiyadda Mareykanka iyo dalalka galbeedka oo ay dheertahay dhaqaalaha xadka aan lahayn ee ku baxaya xogta sirdoon , waa wax u dhigma marka aad Israa’iil wajahaysid waxaad ka hortimid wax ka badan toddobaatan boqolkiiba awoodda dunidda..!
Laakin maxaa ku dhacay Xisbullah?
Dhab ahaantii si aan loo baahnayn Israa’iil ayaa iibsatay daacadnimada xubno muhiim ah oo ka tirsan Xisbullah iyo sida muuqata xataa Iran , waxaan arkeyna sirdoonka Israa’iil inuu yahay mid awood u leh inuu gaaro xudunta hoggaanka Xisbullah , taa oo ka dhigan waxaa la iibsaday daacadnimada xubno sare oo amniga iyo hoggaanka ee labada dhinac.
Hadda , qofna ma awooddo inuu dhaho Xisbullah ayaa burburtay, waa inan aragnaa Iran oo meesha laga saaray iyo in la burburiyay warshadaha hubka iyo bakhaarada hubka ee Xisbullah , kuma yaalan kaliya Lubnaan, inta badan gantaallada Xisbullah waxaa lagu sameeyay Suuriya , sida gantaalka Fadi ee inta badan weerarrada ay ku qaado hadda Xisbullah, taasoo ka dhigan bakhaarada hubka ee Xisbullah inay ku firir-sanyihiin Lubnaan, Suuriya illaa Iran. Laakin waxaa laga yaabaa khasaaraha gaaray Xisbiga inay ku keento dib u dhac iyo waqti kale oo ay u baahdaan inay dib isugu hagaajiyaan, balse marxaladda waqtigan fursadaa lama siin doono, taasi oo ka dhigan waa inay yeeshaan adkeysi si ay u sii dagaallamaan!
Markii ay Israa’iil ka soo laabatay dagaalkii 2006, mid ka mid ah guul-darradii dagaal ee ugu weyn oo ay Israa’iil la kulantay, wixii waqtigaa ka dambeeyay Israa’iil waxay diiradda saartay inay awood u yeelato inay dhexda u gasho Xisbullah iyo Iran si ay ugu fududaato sirdoonka maanta u surageliyay inay burburiso qaab dhismeedkii hoggaanka illaa meesha laga saaray ninkii ugu saameynta badnaa iyo wajigii Xisbullah, Xasan Nasrallah — kaa oo uu ku sheegay taliyihii hore ee sirdoonka iyo Wasiirka hadda ee arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan in laga tabi doono guud ahaan bariga dhex , wax u dhigma shaqsiyaadka gobolkaa ugu saameynta badnaa.
Israa’iil si la mid ah 2006 , waxay Qasa ku wajahaysa xaalad burbur ah , sababtoo ah ma heysato sirdoon awood u leh inay gaarto hoggaanka Xamaas iyo godod lagu hayo maxaabiista, waxayse u muuqata inay doonayso Israa’iil inay garbaha jarto Xamaas , iyadoo burburinaysa ururrada shiicada gobolka ee taageerra Xamaas oo ururka Xisbullah uu ugu horreeyo,laakin ma badna awoodda dhexgal ee Israa’iil u suragelinaya inay gaarto Xuutiyiinta , haddiise ilaha sirdoon ee gudaha Iran ay la shaqeynayaan Israa’iil, waa suragal wax naga yaabiya gobolka inan ku aragno!
Arrimahan waxaa kalo suragal ah inay Israa’iil go’aansato dagaal toos ah oo ay la gasho Iran , si ay u tijaabiso muddada ay ku qaadanayso inay calaacasheeda ku soo rido guud ahaan bariga dhexe … maalin kasta oo inna dhaafaysa waxay noo dhaweynaysa khatarta muraayadda aan wax ku arkayno waa nooca jawaabta ay bixiso Israa’iil iyadoo weerarraysa Iran, haddii aan aragno in la duqeeyay xarumaha nukliyeerka Iran, markaa waa ku dhawaqis dagaal , loogamana soo tagin Iran wax aan ahayn inay la gasho Israa’iil dagaal toos ah!
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com