Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo duqeyn culus ku garaacday masaajidka Shuhadada Al Aqsa

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Isra’il duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla magaalada Gaza, aroornimadi hore ee Axaddii shalay.

Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza.

Bayaan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax.
Weerarkan ayaa imanaya xilli hal maalin ay ka hartay sannad-guurada koowaad ee dagaalka Gaza.

Isra’il ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza. Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah.

Duullaanka Isra’il ee Gaza ayaa ka danbeeyay, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore, halkaas oo ay ku dishay 1200 isla markaana kusoo aduubatay boqollaal Isra’iliyin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Muqdisho oo ka faa’iideysaneysa hal arrin Doorashada Dhaceysa 2020/2021

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Baarlamanka Somalia faray Qodob muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay Guluf Dagaal oo Hormuud u tahay Galmdug

Cabdi Cade