Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo xirxiray 24 dhalinyaro oo ku eedeysan..

Ciidanka Booliska Somalia ayaa soo bandhigay 24 qof oo lagu eedeeyey iney rabshado ka sameeyeen garoonka Ciyaaraha Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho oo ay galabta ay ka socotay ciyaar ka tirsaneyd tartanka degmooyinka oo dhexmareysay Kaaraan iyo Wadajir

“Iyadoo La fulinayo  Amarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulahi ee ahaa in  laga Hortago waxkasta oo keeni kara Qalqal Amni Bulshadana  dhibaata ah waxaa caawa fiidkii  Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir  lagu soo qabtay eedeysanayaal ciyaal wareero ah, oo gaaraya 24 dhalinyaro ah kuwaasoo galabta Garoonka ciyaaraha Eng Yariisoow ka geestay falal ammniga liddi ku ah, kana baxsan xeerarka taageerayaasha ciyaaraha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in raggan ay ku socota baarista Boliiska lana horgeydoono Maxalmadda Awooda u leh.

“Waxaa looga digayaa dhalinyarada u soo daawasha taga ciyaaraha Dagamooyinka Gobalka Banaadir inay ka fogaadaan falal Ammni darada ah ilaaliyaana xasiloonida ciyaaraha iyo xeerarka u yaalla” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Aqoonyahan Caan ah oo loo doortay Senator kadib doorasho adag oo dhacday

Cabdi Cade

Taliye Ciidan oo kahor yimid Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

R/Wasaare Jacinda oo diiday in ay ku dhawaaqdo magaca ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

Cabdi Cade
Taboola Ads ---