Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyihii bedeli lahaa Nasrullah oo geeri loo tirinayo

Ururka Xisbullah ayaa la xaqiijiyay inuu lumiyay xiriirka ay la lahaayeen madaxii golaha fulinta iyo hoggaamiyihii la filayay inuu jagada u sarreysa ee Xisbullah qabto Hashem Safi al-Diin

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay Israa’iil habeenkii Jimcaha duqeysay goob ay ku sheegtay inay tahay xarunta sirdoonka Xisbullah oo ku taal deegaanka Al-Marija oo uu ku sugnaa Safi al-Diin iyo hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Xisbullah iyo ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran , sida ay Al Jazeera ka soo xigatay ilo amni oo Lubnaan ah.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay tan iyo markii ay duqeyntaa dhacday, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa si joogto ah goobta dul joogay, iyagoo beegsanayana gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kooxaha samatabbixinta, tallaabo u muuqata inay Israa’iil ka hortagayso in nolal lagu gaaro qof kasta oo ku sugnaa goobta ay duqeysay.

Tani waxay sare u qaadaysa inay Israa’iil gaartay Hashem Safi al-Diin oo uu ku geeriyooday weerarkaas, waana xaalad layaab leh sida ay Israa’iil u beegsanayso hoggaanka sare ee ururka Xisbullah waa xaalad aan horey dunidda looga diiwaangelin urur sidaa loo burburiyay qaab dhismeedkiisa hoggaamineed illaa meel eber ah ay uga tagayso Israa’iil.

Dhinaca kale, telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa wax yar ka hor ku warramay in duqeynta ay Israa’iil ku beegsatay Hashem Safi al-Diin inuu sidoo kale goobtaa joogay madaxa ciidanka ilaalada kacaanka Quds, Esmail Qaani oo ah ninka beddelay Qasem Soleimani, haddii ay dhab noqoto kaliya khasaaraha ma gaarin Xisbullah ee sidoo kale Iran ayaa la kulmaysa khasaare aysan horey u arag, sababtoo ah Nasrallah waxaa la dhintay ku-xigeenkii taliyaha Quds, Abbas Nilforoushan.

 

Related posts

Weerar lagu qaaday guri kuyaalla Duleedka Nairobi oo lagu soo xiray Saraakiil Kenyan ah oo…

Cabdi Cade

Ciidamada Uganda iyo Congo DR oo wadajir u bilaabay howlgal ka dhan ah Daacish

Caydiid Ali

Xildhibaan Shukri Saalax oo saakay geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay geeridiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---