Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo ka biyo diiday qorshe ay ula tageen Laftagareen iyo Qoorqoor

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) , ayaa wali ka biyo diidan qorshe ay wataan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Kulamo xalay Axmed Madoobe la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse , ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aam, kaddib markii ay isku fahmi waayeen in hal mar dhammaadka sannadka 2025 la qabto doorasho wadareed qof iyo cod ah oo ka dhacda Muqdisho iyo dowlad goboleedyada.

Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug , ayaa saakay tagay guri uu degan yahay Madaxweynaha Jubbaland, waxa ayna labadan masuul ula tageen Axmed Madoobe sidii ay ugu qal qaalin lahaayeen in uu aqbalo in muddo kordhin dheeraad ah loo sameeyo maamul goboleedyada.

Sida aan xogta ku helnay Axmed Madoobe ayaa si cad ugu sheegay Laftagareen iyo Qoorqoor in uusan iyaga ka aqbaleyn wax uu ka diiday Xasan Sheekh iyo Xamse Barre, waxa uuna u caddeeyay in uusan rabin muddo kordhin uuna diyaar u yahay in doorasho xilligan la qabto.

Qoorqoor iyo Laftagareen ayaana natiijo la’aan kala tagay Madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana wali socda dedaalo badan oo lagu doonayo in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe looga dhaadhiciyo in uu raaca rabitaanka Villa Soomaaliya.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaan wali lasoo xirin, waxaana wali la isku raaci la’yahay go’aannadii laga soo saari lahaa shirka, waxaana caqabad ka taagan tahay diidmada Madaxweyne Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ukraine oo loo gacan geliyey dayuuradaha F-16

Caydiid Ali

Guri kuyaala Muqdisho oo lagu beeray Daroogo halis iyo Booliiska oo soo qabtay

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo weeraro & dilal cusub ka geystay Daanta Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---