War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab lagu dilay hawlgallo bartilmaameed ah oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibbada caalamka ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibbada caalamka ayaa beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bidda Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Al Sahbaab, waxaana halkaas lagu laayay xubno badan, iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii Al Shabaab isku aruursanayeen.
Sidoo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi, kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystay in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.
Dhanka kale ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hawlgallo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal waxaana ciidanku ay ku guulaysteen in ay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com