Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka carootay haddalo kasoo yeeray dowladda Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga horyimid hadalladii dhawaan dowladda Soomaaliya ka jeedisay shirkii Qarammada midoobay kaa oo ku wajahnaa doorashooyinka madaxtooyada iyo ta ururrada siyaasadda ee dhawaan ka qabsoomi doonta deegaannada Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay hadallada dowladda Soomaaliya yihiin qaar aan sal iyo raad lahayn waxa ayna xuseen in haddaladaasi wax ugu dhimayaan xuquuqda dimuqraadiyadda iyo madaxbannaanida shacbiga Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, waxa ay xustay in maamulka Muqdisho ay xukumaan qayb yar oo ka mid ah waddankooda oo ay harreysay xasilooni darro, iyadoo qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay xukunto maleeshiyada Alshabaab.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale caddeysay in aanan dowladda Federaalka Soomaaliya sharci ahaan iyo xukun ahaan midna ka hadli karin arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland.

Waxa kaloo xukuumadda Somaliland ku dooday in dowladda Soomaaliya ay ku fashilmeen inay waddankooda ka qabtaan doorashooyin daahfuran oo loo dhan yahay, iyadoo doorashooyinkoodu aanay ahayn qaar “qof iyo cod ah” oo dadweynuhu ka qaybgalaan, isla markaana ay wax lagu qoslo tahay in Madaxweyne noocaas ahi uu ka hadlo hannaamka dimuqraadiyadda Somaliland ee sida wanaagsan u agaasiman.

Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqday Xukuumadda Soomaaliya inay ku foognaato furdaaminta ququlatooyinka ka jira gudahooda, oo ay soo celiyaan nabada iyo xasiloonida dalkooda, inta ay ka hadlayaan arrimo ka baxsan maamulkooda.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay Yokohama

Caydiid Ali

Aqalka Cad oo si adag uga hadlay Senator Mareykan ah oo ku baaqay in la dilo Madaxweyne Putin

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo magacaabis cusub sameeyay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---