Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Asad Diyaano oo la kulmay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin reer Puntland ah

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Asad Diyaano) ayaa  kulan muhiim ah la qaatay xildhibaanada heer Federaal, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland.

Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka uu la kulmay taliye Asad Diyaano , ayaa waxa ay si weyn usoo dhaweeyeen mas’uuliyadda cusub ee hoggaaminta taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee loo magacaabay, waxa ayna ilaah uga baryeen in masuuliyadda ku dhowro.

Taliye Asad ayaa xildhibaanada iyo mas’uuliyiintaan uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran, isla markaana ka guddoomay hambalyada iyo taageerada ay u muujiyeen, waxa uuna ka dalbaday in ay garab istaagaan qorshaha dowladda ee ciribtirka Khawaarijta iyo dib u dhiska dalka.

Magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaan laga soo dhaweyn Madxatooyada Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya, waxaana Asad Diyaano uu hadda raadinayaa taageerada siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Puntland  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo Xabsi dhigay 8-qof ay ku jiraan kuwa heesta Dhalashada Mareykanka

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey duqeymo & dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bari

Caydiid Ali

Abdirahman Hija Mnubi oo ugu dambeyn isku dhiibay Booliska dalka Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---