Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa wali wada duqeymaha ay ku garaacayaan goobo badan oo kuyaalla dalka Lubnaan, waxaana sii kordhaya khasaaraha duqeymahaasi kasoo gaaraya dadka shacabka iyo sidoo kale kooxda Xisbullaah.
War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in duqeyn culus ku garaaceen shalay oo Jimco ah xarunta sirdoonka ururka Xisbullaah ee kutaalla magaalada Beyruut, waxaana xaruntaasi la sheegay in gantaallo culus lagu garaacay.
Israa’iil ayaana sheegtay in ay wali qiimeenayaan khasaaraha ka dhadhay duqeynta culus ay ku garaaceen xarunta sirdoonka ee Xisbullaah, waxa ay Israa’iil ku hanjabtay in ay sii wadi doonto duqeymaha ka dhanka ah Xisbullaah ay ka wado dalka Lubnaan.
Ciidamada Isra’il ayaa soo saaray digniin ay u direen dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla dhinaca koofureed ee magaalada Beyruut, waxa ayna Israa’iil dadka ugu baaqeen in ay aagaasi ka baxaan ayna ka fulinayaan duqeymo.
Dad ka badan 1.2 milyan oo ruux ayaa ka barakacay magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, waxaana duqeymaha Israa’iil ka wado magaalada Beyruut bur bur xooggan gaarsiiyay qeybo badan oo magaalada kamid ah, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan baracakaca shacabka .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com