Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo culus oo caawa lagu garaacay xarumo Al Shabaab joogeen

Diyaarado dagaal oo taageeraya milatariga Soomaaliya, ayaa caawa duqeymo culus ku garaacay deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.

Duqeymahan oo ah kuwa culus ayaa wararku sheegayaan in lagu garaacay xarumo kooxda Al Shabaab lahaayeen iyo goobo kale ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan kooxda, waxaana goobaha la duqeeyay dhacaan aagga  Mesagawey, Baraag Sheikh Caamir ilaa Coosweyne.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in caawa deegaanno badan oo kooxda Al Shabaab ku sugnaayeen lagu garaacay qumbulado duqeymo ah, mana sheegin wasiirka khasaaraha kooxda Al Shabaab la gaarsiiyay.

”Khawaarijtii Caawa aaga gobolka Galgaduud qumbulado Jahannamo ah ayaa ku wada dhacaaya!
Ducadu waa xagiina.Geeshkayagoow Guuleysta” ayuu soo qoray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab khasaaro badan lagu gaarsiiyay duqeymaha caawa lagu garaacay goobaha ay joogeen, waxaana adag in la ogaado inta ay la egyihiin khasaaraha caawa la gaarsiiyay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Dagaalyahan ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo caawa ammar siiyay ciidanka Haramcad (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada oo saakay Muqdisho ka baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---