Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeyay Xasan Sheekh, Xamse iyo Axmed Madoowe oo fashilmay

Waxaa caawa kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , Ra’isul Wasarae Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kusoo dhammaaday fashil, kaddib markii ay arrimo dhowr ah isku fahmi waayeen.

Sida aan xogta ku helnay dhinacyada ayaa isku mari-waayay qodobada la xiriira doorashooyinka, dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada kale marka reebo Jubbaland ay ku mideysan yihiin in doorasho toos la galo, iyadoo Jubbaland ay doonayso in doorashadeeda ay si gaar ah u qabsato.

Axmed Madoobe ayaana wararku sheegayaan in uu ka biyo diiday qorshayaal dhowr ah oo ay wateen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre, kuwaa oo ahaa in muddo kororsi loo sameeyo dowlad goboleedyada , waxa uuna Axmed Madoobe ku adkeestay in doorasho la aado.

Kulankan oo saacado badan socday ayaana Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xamse Barre oo isku dhinac ah iyo Axmed Madoobe isku fahmi waayeen qodobada qaar ee kawada hadlayeen, waxa ayna mar kale u ballameen in ay isugu yimaadaan kulamo kale.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee wali ka socda Muqdisho ayaan laga soo saarin go’aanno, waxaana wali jira qodobo ay dhinacyada isku hayaan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ay madaxda maamulada doonayaan mudddo kororsi, halka Axmed Madoobe doonayo in maamulada doorasho ka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Talyaaniga oo laga reebay Wariyaal iyo Sawir qaadayaal ka… 

admin

Xassan Shiikh oo qaabilay wafdi ka socday Mid ka mid ah labada dhinac ee ku diriraya Sudan

Caydiid Ali

Danjire Madeira oo sheegay in Milateriga Somalia aysan awood u laheyn dagaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---