Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade Kaamiro CCTV darteed loogu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan oon heybtooda la garan ayaa galabta boosteejo gaadiidka laga raaco oo kutaalla xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, ku dillay nin ganacsade ahaa , kaa oo la sheegay in uu ka biyo diiday amar ay siiyeen kooxda Al Shabaab.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabayay Cabdinaasir Daahir Diirshe, ayaa la sheegay in goobtiisa ganacsi lagu dhax dilay, waxaana dilka kaddib goobta isaga dhaqaaqay kooxdii hubeysneed ee dilkaasi fulisay.

Sida aan wararka ku heleyno dilka ganacsadaha ayaa salka ku hayay in uu diiday in goobtiisa ganacsi uu ka bixiyo kaamirada qarsoon ee loo yaqaan CCTV oo ugu xirneyd , waxaana la sheegay in Al Shabaab ku amreen in uu kaamirada ka saaro dukaankiisa.

Ganacsatada magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa wajahaya dhibaato uga imaaneysa kooxda Al Shabaab , kaddib markii ay fuliyeen amarkii dowladda Soomaaliya ayna goobahooda ganacsi ku xireen kaamirada CCTV loo yaqaan.

Al Shabaab ayaana qarxisay suuqyo iyo goobo kale oo kuyaalla magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, mana jiraan wax magdhaw ah oo dowladda siisay ganacsatada Soomaaliyeed ee loo dhibaateeyay fullinta ammarka dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Madaxweyne Deni oo Odayaasha Bari u sheegay Ahmiyada maamulkiisu siinayo Boosaaso (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Tartan Cajiib ah u qabatay Odayaal ku dhaqan Jubooyinka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shirkad laga leeyahay Imaaraadka oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Muqdisho

Cabdi Cade