Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa fuliyay howlgal lagu dilay in ka badan 24  xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaa oo ku dhuumaaleesanayay deegaan katirsan gobolka Shabeekaha Hoose.

Howlgalkan oo ay fuluyeen ciidanka guutada 7-aad ayaa laga fuliyay deegaanada Kaliga, Libaaxle, Kaxaroow, Doonka iyo Bululoow , waxa ayna ciidamada si gaadmo ugu dul dhaceen xubno katirsanaa Al Shabaab oo weerar argagaxiso qorsheenayay.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay in kabadan 24 xubnood oo katirsan Al Shabaab , sidoo kale lagu dhaawacay tiro kabadan 30 xubnood, waxaa sidoo kale ciidamada gubeen gaari caasi ah oo ay wateen Shabaabka la weeraray.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa fuliya howlgalo gaadmo ah oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana howlgallo badan oo la fuliyay lagu dilay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Related posts

Ruushka oo Diyaarado dagaal iyo Ciidamo geeyay Venezuela (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Xeer awood aan caadi aheyn siinaya dowlada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo si adag uga hadashay Lacag Dowlada Federaalka ugu deeqday Somaliland

Cabdi Cade