Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Biixi oo baaq xasaasi ah u dirtay Shacabka iyo Ciidanka Somaliland

Golaha Wasiiradda Xukuumadda maamulka Somaliland, ayaa  kulan xasaasi ah oo yeesheen waxa ay ku lafo-gureen arrimo ay ugu horreeyeen amniga iyo doorashooyinka, sidoo kalena baaq u diray shacbiga maamulka Somaliland.

Ugu horrayn, golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga Somaliland ka dhegeystay wasiirka arrimaha Gudaha, ahna gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo ka mandaqada geeska Afrika.

Waxaanu goluhu si qoto dheer uga dooday u diyaar-garowga doorashooyinka qorshaysan 13-ka Bisha November, sannadkan 2024-ka iyo sidii xisbi Xaakimka kulmiye uu mar saddexaad u hannan lahaa hoggaaminta dalka, iyadoo goluhu ugu baaqay shacabka Somaliland inay u diyaargaroobaan doorashooyinka ololahana ay ku galaan turxaan la’aan iyo walaalnimo.

Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu shacbiga ugu baaqay inay indho dheeraad ah u yeeshaan cadawga maamulka Somaliland ee doonaya inay wiiqaan Jiritaanka Qarannimada kana xun in Somaliland gaadho himiladiisa ah inay ka mid noqdaan beesha Caalamka ee la aqoonsan yahay.

,Ugu Dambeyn golaha ayaa laamaha amnigana ku wargeliyaan cidii ay uga shakiyaan inay lidi ku yihiin amniga Somaliland iyo doorashooyinkaba si ay tallaabo uga qaadaan, sidoo kale waxa la farayaa ciidamada kala duwan inay xoojiyaan amniga Somaliland mudada lagu jiro u diyaar-garowga doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Axmed Madoobe iyo Musharax Kheyre oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Erdogan oo balanqaad weyn u sameeyey qoysaska ku guryo beelay dhulgariirka (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay Dilkii Almaas Elman iyo Baaritaano biloday

Cabdi Cade