Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Ruushka ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay in go’aanka looga saarayo Daalibaan liiska argagixisada uu gaaray meeshiisii ugu sareysay sida ay faafisay wakaaladda warrarka ee TASS.
Go’aan kan ayaa u baahan in la marsiiyo nidaamka sharciga ah si uu ansax u noqdo, sidaana waxa laga soo xigtay ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Vladamir Putin u qaabilsan dalka Afgaanistaan Samir Kabulov.
Madaxweyne Putin ayaa sheegay bishii Luuliyo in Ruushku u tixgalin doono dhaqdhaqaaqa Daalibaan isbahaysi ka dhan ah argagixisada.
Ruushka ayaa si tartiib tartiib ah xiriir ula sameysanayay Daalibaan tan iyo markii ay la wareegtay awoodda wadanka Afgaanistaan bishii August 2021 kaddib markii ciidamada Maraykanka ee halkaas dagaalka uga jiray 20 sano ay isaga baxeen.
Illaa hadda ma jiro wadan u aqoonsaday Daalibaan in ay tahay hoggaanka sharciga ah ee dalka Afgaanistan, waxaase jira in wadamada Shiinaha iyo Isutagga Imaaraadka Carabtu ay aqbaleen danjirayaasha ay Daalibaan u soo magacowday dalalkooda.
Ruushka ayaa Daaliibaan ku daray liiska ururrada argagixida sanad kii 2003. Ka saaridda uu hadda ka saarayo liiskaasi ayaa talaabo muhiim ah u noqonayso in uu caadiyeeyo xiriirka uu la leeyahay Afgaanistaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.