Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo xalay duqeyn culus la beegsatay Hashem Safieddine

Boqollaal diyaaradood oo kuwa dagaalka Israa’iil ayaa mid ka mid ah duqeymihii ugu cuslaa ka geystay magaalada Beirut

Waxay u muuqataa inay qaadeen duulaan ay kaga aargoosanayaan waxa ku qabsaday ciidankooda dhulka xadka Lubnaan

Bambooyin ka badan kuwii lagu dilay Nasrallah ayey Israa’iil adeegsatay xalay

Boqol diyaaradood iyo 83 bambo oo mid kasta hal tan oo walxaha qarxa ay tahay ayey xalay Israel ku garaacday Beirut  sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxay ka dhigan tahay boqol bambo oo mid kasta ay tahay  hal tan (1,000x 100 =100,000), waa  oo walxaha qarxaha inay daqiiqo gudahood Israa’iil ku garaacday Beirut.

Warbaahinta Israa’iil ayaa hadda bilowday inay sheegto duqeynta in lagu beegsaday Hashem Safieddine, oo ah qofka la filayay inuu qabto hoggaanka Xisbullah iyo walaalka Nasrallah oo labo hooyo oo walaalo ah ay kala dhaleen.

Wargayska New York Times ayaa ku warramay inay saraakiisha Israa’iil u sheegeen in duqeymaha aan horey loo arag ee ka dhacay koonfurta Beirut in lala beegsaday shir ay lahaayeen hoggaamiyayaasha sare ee Xisbullah oo uu ku jiro Hashem Safi al-Din oo la filayay inuu jagada hoggaamiyaha sare ka beddelo Nasrallah oo Israa’iil ay duqeyn ku dishay.

Muuqaal la soo bandhigay ayaa muujinayay dhismayaashii dhaadheera oo isku beddelay fool-kaano iyo godod waa weyn oo dhulka ka qodmay, wax u muuqda bartilmaameed godod dhismayaasha hoostooda ah in la beegsaday, welina faahfaahin lagama hayo khasaaraha duqeyntaas.

HOOS KA DAAWOV SAWIRRO

Related posts

Bushaaro Muhiim ah oo loo hayo Qurbojoogta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan

Cabdi Cade

 Xaaf oo lagu qal qaalinayo ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxweyne Qoor Qoor

Cabdi Cade

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug oo is casilay iyo kuwa kale oo Qorsheenaya !!  

Cabdi Cade