Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo askar hor leh looga laayey xadka Lubnaan

Tiro ka mid ah askarta Israa’iil ayaa mar kale lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen ururka Xisbullah meel aan ka fogeyn xadka koonfurta Lubnaan, sida laga soo xigtay Sky News Arabia.

Al-Jazeera ayaa iyana ku warrantay in meydad iyo dhaawaca askarta la arkay xilli ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil ka soo qaadayeen goobaha uu ka dhacay iska horimaadka.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay bam ku qarxiyeen ciidamada Israa’iil oo isku dayay in ay gudaha u galaan tuulada Maroun al-Ras ee koonfurta Lubnaan.

Xisbullah ayaa intaas raacisay inay maanta oo kaliya dishay 17 saraakiil iyo askarta ciidanka Israa’iil, kaddib iska horimaadyo ka dhacay xadka koonfurta Lubnaan

Warkan wuxuu yimid markii ay sheegeen warbaahinta Israa’iil inay dhacdo halis ah ku qabsatay ciidanka Israa’iil xadka Lubnaan ka dib markiiay ku dhaceen dabin loo dhigay.

Israa’iil ayaa duqeymo culus ka geysatay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Beirut ee Rafic Hariri, iyadoo garoonkan uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay dawladda kumeel-gaarka ah ee Lubnaan, haddii ay wax gaarsiiyaan duqeymaha Israa’iil sidoo kale waxay magaalada galaysa go’doon iyo waddada badda inay tahay halka kaliya ee looga baxayo.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Mursal & Madaxweyne Geelle? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo gudoomiyay kulan looga hadlay xaalada adag ee ka taagan Hirshabelle

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo galabta Safar kale oo dalka dibadiisa ah u baxay

Cabdi Cade