Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey shirka Golaha wadatashiga & Axmed Madoobe oo..

Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay ayaa waxaa maanta hareeyay doodo adag oo ku saabsan jihada saxda ah ee uu dalku aadaayo, maqnaanshaha Puntland iyo sida laga yeelayo mataaladda Khaatumo State.

Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay mowqifkiisa ku aadan sida loo wajahayo marxaladaha soo socdo, isagoo soo bandhigay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu dowlad goboleedyada usoo bandhigay qaabka loo hirgelinayo doorashooyinka qof iyo codka oo kala ah in afar bilood gudahood lagu ansixiyo sharciyada doorashooyinka iyo sharciga Xisbiyada, afar bil  ee xigta lagu qabto diiwaan gelinta dadweynaya, halka afarta bil ee u dambeysa lagu qabto doorashada qof iyo cod ee Golaha deegaannada.

Axmad Madoobe oo arrinkaas ka biya diidsan ayaa soo jeediyey su’aalo adag oo la xariira maqnaashaha Puntland, Maqaamka Khaatumo, iyo in la helo heshiis siyaasadeed uu sharciyad siin karo dawlad goboleedyada.

Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa arrintaas madaxa u ruxay laakiin hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ka horyimid iney maamulladu doorasho la’aan sii jooggaan kuraasta, iyo in go’aan laga gaaro doorasho qof iyo cod ah iyadoo ay Golaha ka maqantahay Puntland. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa dalbaday in maamulka Khaatumo lagu soo daro Golaha Wadatashiga Qaran, taasoo adkeysay xaaladda kulanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse ayaa la sheegay iney gaar Axmed Madoobe ula shireen lamana oga waxa ay ku dhameysteen, kadibna waxay hada Xasan Sheekh iyo Xamse shir gaar ah la qaateen Qoorqoor iyo Laftagareen. Shirka ayaa u baahday maalin dheeri ah waxaana la isku soo laaban doona berri hadii Alle idmo.

Related posts

Hirshabelle oo soo bandhigtay Maxaabiis & Wararkii ugu dambeeyey shirka Muqdisho

Caydiid Ali

Dacwad ka dhan ah danjire Keating oo loo gudbiyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (Akhriso)

Caydiid Ali

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Nnamdi Azikiwe iyo Duulimaadyo la baajiyay

Cabdi Cade