Allbanaadir.com
NEWS

Shariif oo digniin u diray Madaxda shirka Golaha wadatashiga

Siyaasiyiin oo uu kamid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan saacado badan ka yeeshay Xaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo midda Ammaan.

Shirkaan ayaa dhaliilo xooggan loogu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Maamulada Dalka ka jira.

Waxaa laga digay oo aad looga biya diiday muddo kororsi loo sameeyo hay,adaha Dowladda iyo kuwa maamulada Dalka ka jira.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KA SOO BAXAY SHIRKA

Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Himilo Qaran ee uu hogamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed laguna falanqeeyay xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan shirka magaalada Muqdisho uga socda qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban madaxda DF iyo dowlad goboleedyada.

Dood dheer iyo falanqeen kadib shirkaan waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku xisan:

  1. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, islamarkaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.
  2. Xisbigu wuxuu adkeynayaa, una soo jeedinayaa GWQ in ay dhowraan una hoggaansamaan qodobka 120aad ee dastuurka dalak, kaasoo dowlad goboleedyada u ogolaanaya in ay doorashooyinkooda qabsadaan.
  3. Xisbigu wuxuu Madaxweynaha JFS ugu baaqayaa in uu ka daayo faragelinta aan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka ee uu ku haayo dowlad goboleedyada.
  4. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda ku shirsan madaxtooyada Qaranka in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
  5. Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah.
  6. Xisbigu wuxuu cadeynayaa in uusan aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha la doortay oo dhan heer walba.
  7. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha JFS in uu wax kaqabto xal uhelidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dagaalada sukeeye ee ka kasocda meelo badan oo dalka ka mid ah, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii loogu midoobi lahaa difaaca Qaranka.

Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo midoobo cadawga ummadda Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba, kana hor yimaadaan wax walba oo kala geynaya midnimadooda iyo wadajirkooda.

Related posts

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in dhulka Falastiin la geeyo ciidamo hubeysan oo….

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Xarigga ka jaray Waddada 30-ka oo Dib u dhis Qurxoon lagu sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee Gudoomiye Aadan Madoobe loogu soo dhoweeyey Riyadh (Sawirro)

Caydiid Ali