Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn culus oo mar kale loo geystay Beirut (Sawirro)

Israa’iil ayaa maanta duqeysay batamaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnaan, duqeymahaas oo la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan lix qof.

Duqeynta ayaa timid saacado kaddib marki ay ciidamada Isra’il ee galay Koofurta Lubnan ay la kulmeen khasaarihi ugu cuslaa ilaa iyo hadda, kaddib marki uu millatariga Isra’il Arbacadi shalay sheegay in dagaalka Lubnan looga dilay 8 askari oo uu ku jiray sarkaal sare.

Isra’il waxay sheegtay in ay xalay saqdi dhexe kaddib duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla Beyrut. Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay maqleen daryanka madaafiic culus.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa iyaguna xaqiijiyay in meelaha la garaacay uu ku jiro dhisme ku yaalla xaafadda Bachoura oo aad ugu dhaw aqalka baarlamaanka, waana marki ugu horreysay ee ay duqeymaha cirka ah ee Isra’il u soo gaaraan agagaarka xarumaha dowladda Lubnan.

Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyey iney ku naf waayeen duqeymaha ka dhacay xalay iyo saaka magaalada Beirut halka tiro intaas kja badana ay ku dhaawacmeen.

Milatariga Israel ayaa ku amray dadka inay ka guuraan magaalo ku yaalla koonfurta Lubnaan, taasoo muujinaysa in laga yaabo inay balaariso hawlgal dhulka ah oo horaantii toddobaadkan ay ka bilowday ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Hezbollah.

Israa’iil ayaa sidoo kale dadka u sheegtay inay isaga baxaan magaalada Nabatieh

Ugu yaraan 8 askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen ururka Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, halkaasoo Israa’iil ay ku dhawaaqday bilawga waxa ay ku sheegtay duullaan dhulka ah oo xaddidan horraantii toddobaadkan.

Related posts

Sheekh Caan ah oo diiday in Gabar ku mehriyo 100-garaam oo Dahab kana hadlay Sababta

Cabdi Cade

Madaxweynaha Kenya oo amray in la xiro Baararka iyo Kalaabyada (Sababta)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Soomaali badan oo laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo saakay Muqdisho la keenay

Cabdi Cade