Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia, Sheekh Abuukar Maxamed, ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, kaga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka.
Deegaanada laga fuliyay hawlgalada ayaa waxaa ka mid ah Buurfuule, oo hoos taga deegaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guutada 14-ka Oktoobar, NISA, iyo maamulka deegaanka ayaa iska kaashaday howlgalkan, waxaana Al-shabaab lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh sida uu afhayeenku sheegay
Afheyeenka ayaa xusay in ciidamada Qaranka ay sidoo kale talaabo adag ka qaadeen kooxo dhibaateynayay shacabka oo ku dhuumaaleysanyay howdka xiriiriya gobollada Bay iyo Gedo, iyo sidoo kale gobollada Shabeellaha Dhaxe iyo Galgaduud.
“Intaa waxaa dheer, Guutada 77 ayaa hawlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Cali Heele oo hoos-taga degmada Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud, ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana la gubay gaari Cabdi Bile ah oo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ay kaga carareen” ayuu intaas ku daray afhayeenka.
Sidoo kale, waxaa uu xusay Ciidamada Qaranka ayaa deegaanka Jowhar-Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku weeraray xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Intii uu guda jiray Shirka Jaraa’id, Sheekh Abuukar ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan al shabaab isu soo dhiibeen Ciidamada Qaranka, “waxaa batay isu soo dhiibayaasha u adkaysan waayay rafaadka ay Khawaarijta ku jiraan iyo weerarada joogtada ah ee ay fuliyaan Ciidamada Qaranka.” ayuu intaas ku daray afhayeenka