Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Asad Diyaano oo amar siiyay saraakiisha booliiska (Sawirro)

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ee taliska booliiska, kaas oo looga hadlay arrimo badan oo khuseeya dhinaca amniga.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen taliyaasha hoggaannada,fadhiyada madaxabannaan iyo qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir . waxaana diiradda lagu saaray dardargalinta shaqada ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka kooxaha argagaxisada iyo kuwa ammaan darada ka shaqeeya.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha ciidamada faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Jeneraal Asad Diyaano , ayaa shalay xilka si rasmi ah ula wareegay waxa uuna shirkan uu maanta guddoomiyay noqonayaa kiisii ugu horreeyay, waxaana dad badan aaminsan yihiin in taliyaha wax badan kusoo kordhin doono ciidanka booliiska uu hoggaankiisa la wareegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaliima Yarey oo hal qodob ku eedeeysay qaar ka md ah madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhigga oo shaaciyay in Al Shabaab bilaabeen in ay isa soo dhiibaan

Cabdi Cade

Shir Goordhaw Muqdisho uga furmay Midowga Musharaxiinta (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---