Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo markab dagaal dushiisa kula kulmaya Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa lagu wadaa in markab dagaal oo yaalla xeebaha magaalada  dushiisa kula kulmo saraakiil katirsan ciidamada badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR) .

Markab dagaal ay wataan ciidamada badda Midowga Yurub ayaa taagan meel ka baxsan xeebaha magaalada Boosaaso, waxaana la filayaa in markabkaasi la geeyo uuna halkaasi Madaxweynaha kula soo kulmo saraakiisha ciidan ee markabka dushiisa saaran.

Madaxweyne Siciid Deni iyo saraakiisha ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa la filayaa in ay kawada hadlaan arrimo ay kamid yihiin xoojinta la dagaallanka burcad-badeeda , iyo sidoo kale in labada dhinac is dhaafsadaan xogta kooxaha burcad-badeeda.

Wararka aan hekeyno ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni iyo saraakiisha ciidan uu la kulmayo kawada hadli doonaan  ka hortagga hubka sida sharci-darrada ah loo gudbiyo iyo danbiyada ka dhaca Badaha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii 3aad ee ka dhacay Baladweyne & xaalada oo kacsan

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo qirtay in qof shacab ah ku dileen magaalo ay maamulaan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---