Allbanaadir.com
NEWS

Khayre oo fariin culus u diray Madaxda Shirka Golaha wadatashiga

Khayre oo fariin culus u diray madaxda golaha wada tashiga Qaran

RW Hore ee Somalia Xassan Cali khayre ayaa fariin culus u diray madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka golaha wada tashiga Qaran ee ka furmay Muqdisho

HOOS KA AKHRISO FARIINTA QORAALKA

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxa uu ku soo aadayaa iyada oo dalku wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed iyo duullaan shisheeye oo ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna.

Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna.

Sharciyaddu waa ruuxda dowladnimada, waxaana bixiya dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharcidarro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka.

Jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan waa in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.

Ugu dambeyntii, si loo samatabixiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, waa in xal waara loo helaa tabashooyinka Puntland, lagana qeybgeliyo geeddi-socodka dowladnimada iyo doorashooyinka qaranka, si looga fogaado wax waliba oo sii kordhin kara khilaaf, kala-shaki, iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

Related posts

(Sawirro) Taliye Xijaar oo la kulmay James Swan & Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegtay in si dirqi ah uga bad baaday weerar ay ku dili rabeen C/llaahi Shariif

Cabdi Cade

Dhibaato Xoogan oo ka taagan Wado muhiim ah oo kutaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---