Ciidanka Israa’iil waxay qirtay inay waxyeelo ka soo gaartay weerarkii Iran qaar ka mid ah saldhigyadooda inkastoo ay diiden iney faahfaahin ka bixiyaan
Arrintan ayaa ku soo aaday markii Iran ay dhinaceeda sheegtay illaa saddex saldhig inay gantaalladooda ku dhaceen kuwaasoo ku yaalla gudaha Israa’iil
Warbaahinta reer galbeedka oo uu ku jiro CNN ayaa sidoo kale qiray in gantaalada Iran ay ku daateen saldhigyada ciidamada israel uuna jiro khasaare badan oo soo gaaray
Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay dili doonto xubin muhiim oo ka tirsan hoggaanka sare ee Iran si ay uga aargoosato weerarkii xalay.
Sida ay shabakadda Axios ka soo xigatay saraakiisha Israa’iil oo sidoo kale sheegay inay beegsan doonaan xarumaha shidaalka, nidaamyada difaaca iyo goobo kale oo istiraatiji ah ee Iran
Waxay intaa ku dareen saraakiisha ay soo xigatay Axios haddii Iran ay go’aansato inay ka jawaabto weerarka aargoosiga ah ee Israa’iil, markaas dhammaan xulashooyinka waxay ahaan doonaan miiska, kuwaasoo ay ku jiraan burburinta goobaha Nukliyeerka ee Iran.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa waxyar ka hor sheegay inay Mareykanka wargeliyeen kaddib markii uu dhacay weerarkii ay xalay ku qaadeen Israa’iil inuusan isku deyin faragelin, haddii ay dhacdana ay uga digeen inuu jawaab adag la kulmi doono, wuxuu intaa ku daray dal kasta oo u oggolaada inay Israa’iil adeegsato hawadooda si ay u weerarto Iran inuu qaadi doono mas’uuliyada cawaaqibka uu la kulmi karo
Waxaa uu caddeeyay dhammaan gantaalladii ay xalay ku weerarreen Israa’iil inay gaareen bartilmaameedkooda, ayna xoojin doonaan siyaasadooda taageerrada iska caabinta, sida ay ku warrantay Al Jazeera.
Waa markii u horreysay ee taariikha uu dal awooday inuu gantaallo la gaaro in ka badan hal saldhig oo ah xarun militari oo ay leeyihiin ciidanka Israa’iil. Sidoo kale, Iran ayaa gaartay inay gantaallo ku dhufato meel 1km u jirta xarunta Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, iyadoo dhammaan nidaamyada difaaca ee Israa’iil ay awoodi kari waayeen gantaaladan inay qabtaan