Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho si weyna loo soo dhaweeayay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ,ayaa ka qeybgali doona shirka madasha wadatashiga oo dhawaan ka furmi doona magaalada Muqdisho, shirkan ayaa looga hadli doonaa xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka uu wali khilaaf ka jiro qaabka loo wajahayo.

Madaxda maamulada kale ee dalka ayaa horey ugu sugnaa magaalada Muqdisho, marka laga reebo Madaxweynaha maamulka Puntland oon qeyb ka aheyn shirarkii hore ee yeesheen golaha Wadatashiga Qaran, waxa ayna Puntland diidan tahay gabi ahaan go’aannadii horey u gaareen golaha Wadatashiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Itoobiya oo markii ugu horeysay hawada u dirtay dayax gacmeed (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Heyadda IFRAH Foundation oo Kismaayo ka bilowday Olole ka dhan ah gudniinka gabdhaha

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo sheegay in Farmaajo iyo Mursal Shirqool cusub maleegayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---