Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo shaacisay cidda ay ugu aargudeysay weerakii ay Isaa’iil ku qaadeen

Madaxweynaha Iiraan Massoud Pezeshkian, ayaa difaacay weerarka Iiraan ee xalay, waxaana uu uga digay Israa’iil fariin uu ku soo qoray barta X.

Pezeshkian ayaa sheegay in, iyadoo lagu saleynayo ‘xuquuqda sharciga ah’ ee Iiraan iyo ujeedka ah ‘nabad iyo amni u ah Iiraan iyo gobolka, ay tani tahay ‘ jawaab ‘go’aan adag’ ah oo la siiyay Israa’iil ‘laguna difaacayo danaha iyo muwaadiniinta Iiraan’

Wuxuu uga digay Israa’iil in weerarka caawa uu ahaa kaliya ‘aragti yar’ oo ka mid ah awoodaha Iiraan isla markaana aysan ku ‘lug yeelan dagaal’ Iiraan

Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in weerarradu ay jawaab u ahaayeen dilka Israa’iil ee taliye sare oo ka tirsan IRGC iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan maleeshiyaadka taageerada ka hela Iiraan ee gobolka.

Waxay xuseen dilka hoggaamiyaha Xisbullah Hassan Nasrallah iyo taliyaha IRGC Abbas Nilforoshan ee Beyruut lagu dilay usbuucii hore.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dilka hoggaamiyaha siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh oo bishii Luulyo lagu dilay Tehran. Inkasta oo Israa’iil aysan qiran inay ka dambeysay dilka Haniyeh, haddana waxaa si ballaaran loo rumeysan yahay in ay masuul ka tahay.

Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyaha sare ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, uu si shaqsi ah amarka weerarka u bixiyay.

Related posts

Ganacsade diiday in kursiga Xildhibaanimo Uga tanaasulo Senator Abshir Bukhaari

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay Shirkii amniga Galmudug ee ka dhacay Dhuusamareeb? (Sawirro)

Caydiid Ali

Daacish oo fulisay weerar dad badan oo Cibaadeesanayay lagu dilay iyo xubno la qabtay

Cabdi Cade