Allbanaadir.com
NEWS

10 Israiliyiin ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday Tel aviv

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen weerar toogasho ah oo caawa ka dhacay magaalada Tel Aviv, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka degdegga ah ee Israa’iil Magen David Adom (MDA).

Booliska ayaa sheegay in dhacdada ay hadda gacanta ku hayaan. iyagoo sheegay iney dhaceen laba weerar oo ay ku tilmaameen inay yihiin “argagixiso.”

Dhakhaatiirta Israa’iil ayaa goor sii horreysay sheegay inay daweeyeen ugu yaraan toddobo qof oo dhaawac ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay MDA.

Adeegga gurmadka qaran ee Israa’iil ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay meel u dhow xarun tareen wax yar ka hor inta aysan soo dhicin gantaalada iran ku weerartay Israel.

Boolisku waxay sheegeen iney dileen nin hubeysan oo weerarkan ka dambeeyey

Related posts

Maxay ka wada hadleen Raisul wasaaraha Somalia iyo Danjire James Swan?

Caydiid Ali

Haweeney dil argagax leh ka geesatay magaalada Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse oo war ka soo saaray qabashada Galcad iyo Xarardheere

Caydiid Ali
Taboola Ads ---