Allbanaadir.com
NEWS

Digniin laga bixinayo duulaanka Israel ku gashay Lubnan

Dagaal toos ah oo ka dhaca gudaha dhulka Lubnaan, si ka duwan weerarrada cirka ee ay Israa’iil geysanayso, wuxuu soo dedejinaya xaalad aan la qiyaasi karin sida ay qabaan xeel dheereyaasha.

Israa’iil ayaa ku guul-darraysatay qorshe qarsoodi ah oo ay ku doonaysay inay ciidankeeda dhulka ay gudaha u galaan xalay dhulka Lubnaan, fashilka ayaa ka dhashay markii saraakiil Mareykan ah ay u dusiyeen warbaahinta inay ciidanka Israa’iil isku diyaarinayeen inay gudaha u galaan koonfurta Lubnaan, markaasoo uu bilowday socodka ciidanka Israa’iil, sida uu sheegay wargeyska Israa’iil ee YNET.

Hoggaamiyayaasha Carabta oo uu u horreeyo Amiirka Dhaxal-sugaha ah Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa la xaqiijiyay in farriin ka socota la gaarsiiyay Netanyahu, isagoo uga digaya duulaan dhulka ah oo uu gudaha ugu galo Lubnaan, sababtoo ah si ka duwan Qasa , dagaallada halkaas ka dhaca ayaa si dhaqso ah u noqon kara kuwa aan la joojin karin, taasoo ay ka dhalanayso si xataa Israa’iil aysan xakameyn karin inuu dagaalka ugu fidi karo gobolka iyo khasaare uusan wali arag oo uu la kulmi karo Netanayahu.

Si la mid ah hoggaamiyayaal kale oo Carbeed ayaa diiddan in Israa’iil ay duulaan dhulka ah ku gasho Lubnaan, waxaa ka mid ah Jordan oo la sheegay in hadda xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil uu halis ugu jiro inuu go’, maaddama Jordan ay arkayso khatarta aan la xakameyn karin ee ay kala kulmi karto duulaankan.

Shabakadaha qaar ee gudaha Lubnaan ayaa soo bandhigay in duulaanka dhulka ee ciidanka Israa’iil uu noqon karo dagaal aan waligii joogsan, waayo dagaalka dhulka wuxuu isku beddeli doonaa dagaal ‘jihaadi’ ah iyo  mid soo jiita dagaalyahanno dunidda oo dhan ka imaan kara, sababtoo ah waxa ay Israa’iil geysanayso waxay dhaliyeen cara weyn oo dhulka Islaamka iyo dad diiddan xasuuqa dhacaya, sida laga soo xigtay shabakadda Al-Mayadeen. qodobkan dambena waa midka cabsiga ku beeray hoggaamiyayaasha Carabta

Mareykanka oo ah cidda ku taageerraysa duulaan walba Israa’iil, ayaa hadda ka baryaya Netanyahu inuu ka baaqsado duulaankan oo ay sare u qaadayaan taageerradooda bartilmaameedyada iyo weerarrada xaga cirka, sababtoo ah Mareykanka ayaa arkaya khatar la mid ah midda u muuqata hoggaamiyayaasha Carabta.

Warbaahinta Ruushka ayaa baahisay saraakiisha amniga iyo xubnaha sare ee Ruushka oo si deg deg ah u tagaya aqalka Kremlin-ka , kaddib markii kulan deg deg ah oo amniga la xiriira uu ku baaqay Putin, kaasoo looga hadlayo gelitaanka Israa’iil ee dhulka Lubnaan, oo ay xigto Suuriya, halkaasoo uu joogitaan ku leeyahay Ruushka. Waxay ila noqotay inuu Putin ka fiirsanayo halkaa fursad uu ku cadaadin karo Mareykanka, si uu meesha uga saaro taageerrada uu siinayo Ukraine

 

Related posts

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii lagu doortay Ceelwaaq oo Shahaado qaatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo kasoo horjeestay Axmed Madoobe lana saftay Mucaaradka Gedo

Cabdi Cade

Saacad Suuq xaraash lasoo dhigay oo Cabsi owgeed loo iibsan waayay !! (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---