Allbanaadir.com
NEWS

Galka hoggaaminta iyo shaqada ciidanka oo loo kala wareegiyay Sulub iyo Diyaano

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo taliyaha Booliiska ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee hoggaannada iyo fadhiyada madaxabannaan ee ciidanka booliiska, waxa uuna wasiirka boggaadiyay shaqada ay hayaan taliska ciidanka booliiska.

Fartaag ayaa u kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey xafiiska taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, taliyaha cusub ee ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi.

Taliyaha ayaa faray saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullah oo dhimasho iyo dhaawac u geysatay askar ka tirsan Milateriga Israel

Caydiid Ali

RW Rooble: “Ciidamo gaar ah ayaa sugi doona ammaanka doorashada dalka”

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Nabadoon caan ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---