Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo furay Shir u dhaxeeyay Puntland iyo UNICEF

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay shirka maamulka iyo Hay’adda UNICEF, kaasi oo lagu kala ogaanayo mashaariicda horumarineed ee UNICEF ka fulinayso Puntland 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweynaha Puntland oo boggaadiyey shaqada UNICEF ka hayso Soomaaliya gaar ahaan Puntland, ayaa la wadaagay shirka in laga wada shaqeeyo hufnaanta mashaariicda sii loo hubiyo in caawimaadu gaartay dadkii loogu talagalay.

Maamulka Puntland ayaa soo saari doonta habraac iyo hage ay ku caddahay nidaam iyo hannaan lagula soconayo mashaariicda sida, qaabeynta, qosheynta, fulinta iyo qiimeynta in laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa. Habraacan ayaa fududeyn doona wada shaqeynta dowladda, Hay’adaha fulinaya iyo deeq bixiyaha maalgeliyay.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasaraadaha Qorsheynta , Caafimaadka , Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada , Cadaaladda, Haweenka , Gargaarka, Ururada Bulshada iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaggee ku dambeeyey kiiska Ikraan Tahliil ka dib heshiiskii Farmaajo & Rooble?

Caydiid Ali

UK iyo Mareykanka oo xalay duqeeyey 30 goobood oo ku yaalla dalka..

Caydiid Ali

Amniga xarunta Congresska Maraykanka oo la xoojiyey & khatar soo korortay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---