Allbanaadir.com
NEWS

Hal arrin oo loo sheegay in qorshaha ku darsadaan Madaxda Maamul goboleedyada

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo in dhawaan ka furmo magaalada Muqdisho, shirkaas ayaana la filayaa in looga hadlo qodobo masiiri u ah dalka .

Qoraalka uu soo saaray xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayuu ku xasuusiyay madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira in ay ogaadaan in muddo xileedkoodii sharciga ahaa ka dhammaaday, sidoo kale muddo xileedka dowladda hadda jirta ka harsan tahay sannad iyo bar kaliya.

Qoraal uu siyaasigan soo saaray ayaa u qornaa sida tan:

Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho isku imaanaya waxaan xusuusinaynaa in muddo xileedka madaxda dawlad goboleedyadu dhammaaday, halka sanad iyo lix bil oo keli ah u harsan tahay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka ah. Haddaba, waxaa la gudboon in aysan waaqaca iska indha tirin, hawl ku iman doontana ka meermeerin, waana in go’aan ka soo saaraan.

Sidii inta sanadka ka harsan loo qaban lahaa doorashooyinka dawlad goboleedyada muddo xiloodkoodu dhammaaday, sababtoo ah sharciyad la’aanta madaxda dawlad goboleedyada waxay wiiqaysaa awooddooda sharci, waxayna u nuglaynaysa rabitaanka Madaxweynaha iyo meelmarinta danihiisa shakhsiga ah oo uu muddo kororsiga ku doonayo, waxyna hubanti la’aan gelinaysaa doorashada federaalka ee 2026, taasoo halis ku ah amniga, sharciyadda dowladda iyo xasilloonida dalka.

Waa in aan wax ka baranno waayihii ina soo maray, kana fogaannaa xaalad la mid ah doorashadii 2020 oo sanadka iyo dhowrka bil dib u dhacday oo uu Madaxweynihii hore isku deyey in uu wareegto ku kordhisto muddo xileedkiisii, taasoo keentay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dibadbaxyo iyo dagaallo.

Waa in kulanka looga arrinsadaa sidii lagu dooni lahaa Puntland oo madasha ka maqan, si fursad iyo waqti ku filan loogu helo ka baaraan degidda hirgelinta hannaan doorasho oo kuwii hore loo maray ka hufan, kana daahfuran.

In meel looga soo wada jeesto la dagallaanka kooxaha argagexisada iyo ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya.

Ma jirto cid kaga waaya-aragsan Madaxweyne Xasan Sheekh dhibka iyo shiddada ay leedahay muddo kororsi iyo xukun aan sharciyad lahayn.

Waxaa horyaalla hadalladii uu jeedin jiray, doodihii iyo dagaalkii hubaysnaa ee uu ka galay arrinkaas, waxaan rajaynayaa in da’da, PhD iyo doorashada labada jeer ay waaya aragnimo ku kordhin doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Azali Assoumani

Cabdi Cade

Guddi loo magacaabay xalinta khilaafka Farmaajo & Mursal (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali

Raila Odinga oo loo dhaariyay Madaxweynaha Dalka Kenya (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---