Allbanaadir.com
NEWS

Kooxda Daacish oo digniin adag u dirtay Xarakada Al Shabaab

Kooxda Daacish ayaa ka hadashay dilal ay sheegeen in kooxda Al Shabaab gudaha Soomaaliya ugu geesatay xubno katirsan Kooxda Daacish, kuwaa oo horey uga soo goostay Al Shabaab.

Wargeyska AlĀ  Naba ee wax ku qora afka kooxda Daacish ayaa shaaciyay in Al Shabaab dileen xubno badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib kamid noqday kooxda Daacish garabka Soomaaliya .

Daacish ayaa sheegtay in dhamaan u diiwaan gashan yihiin dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee Al Shabaab u geesteen xubnaha kooxdooda kamidka ahaa, waxa ayna Daacish sheegeen in tabar daro uga aamusin ficilada Al Shabaab ayna jawaab ka bixin doonaan.

”Ā ā€œWaxaan diiwaangelinay dambiyada ka dhanka ah xubnaheena, ma sameyninĀ aargudasho, nagamana aha tag darri ee waxaan dooneynaa in dadkaĀ  aan barno, waxa ayĀ  sameynayaan Garabka Al-Qaacidda ee Soomaaliya, jawaabta Ururka Daacish waa ay soo socotaa.ā€ Ayaa lagu yiri qoraalka Daacish.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ka mamnuucday kooxda Daacish, waxaana la sheegay in Al Shabaab dileen xubno ka goostay oo kooxdaasi ku biiray halka kuwa kalana ay xirtay.

Daacish ayaa howlgalo iyo dilal qorsheesan ka bilowday gudaha Soomaaliya, waxaana kooxdan ku xoogan yihiin deegaanada maamulka Puntland halka Muqdisho sidoo kale ka fuliyaan dilal qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab Xamuul oo ku degay Xeebaha Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah oo…

Cabdi Cade

Mukhtaar Nuur Geesey oo lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qoor-qoor oo xariga ka jaray Mashruuc cusub oo laga hirgeliyey Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---