Maxkamadda derjada koobaad ee ciidamada qalabka sida qeybteeda Galmudug, ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka, sidoo kale kamid ahaa ciidamada ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kaa oo dil bareer ah u geestay qof shacab ah.
Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in Farxaan Jaamac Siyaad Xalane uu dil bareer ah u geestay nin wade mooto bajaajle ahaa oo lagu magacaabayay Maxamed Faarax Maxamuud , dilkaas ayaana ka dhacay koontarool laga ilaaliyo Madaxtooyada Galmudug.
Farxaan Jaamac Siyaad , ayaana maxkamadda horteeda ka qirtay in uu dil u geestay ninka wadaha ka ahaa mooto bajaajta, hasa ahaatee waxa uu ku dooday in dilka uusan aheyn mid kasta ah uuna ahaa mid ka dhashay shaki, kaddib markii mootada oo xooli ku socotay ay kusoo dhawaatay.
Maxkamadda ciidamada ayaana xukun dil ah ku riday Farxaan Jaamac Siyaad, taas oo ah qisaasta marxuum Macamed Faarax Maxamuud, waxa ay sidoo kale maxkamadda ninkan ku xukuntay in uu bixiyo magdhawga dable Ismaaciil Cali Muxudiin oo isna dhaawac uu gaarsiiyay .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com