Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida Shixnad Gargaar ah, kaasoo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar
Talaabadan ayaa ka dambeysay dalab dhawaan hay’adda SoDMA ee DF u qaabilsan gargaarka iyo maareynta masiibooyinka u dirtay dalkaas.
Markabkaan ayaa shalay ka soo shiraacday dakedda Turkiga, iyadoo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha kala ah bisha cas Turkiga (Kızılay ) iyo Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Turkiga ee (AFAD).
Mucaawinadan ayaa looga talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee ay dhawaan Hay’adda SoDMA ku dhawaaqday.