Allbanaadir.com
NEWS

Xil: Maxamed Abiib oo xabsiga laga soo daayay kaddib amarkii Maxkamadda…

Waxaa goordhaw xabsiga laga sii daayay xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo bil ah u xirnaa amar kasoo baxay madaxtooyada Somaliland, waxaana sii deynta xildhibaanka warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha xabsiga uu ku xirnaa Xildhibaanka.

Sii deynta xildhibaan Maxamed Abiib ayaa timid kaddib amar maanta kasoo baxay maxkamadda sare ee Dastuuriga Somaliland oo sharcidarro ku tilmaantay xariga xildhibaanka, iyadoona amar ku siisay taliyaha ciidanka asluubta  in xildhibaanka isla maanta xabsiga laga sii daayo.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa muddo bil ku dhaw ku xirnaa xabsi kuyaalla magaalada Hargeysa, waxaana xildhibaanka ciidamada sirdoonka Somaliland ka xireen garoonka diyaaradaha Hargeysa xilli uu Imaaraadka Carabta kasoo laabtay .

Xariga xildhibaan Maxamed Abiib waxaa kasoo horjeestay oo sharcidarro ku tilmaamay golaha wakiiladda Somaliland, waxa ay sidoo kale golaha diideyn dalab uga yimid xeer ilaalinta Somaliland oo dalbaneysay in xildhibaanka laga qaado xasaanadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Xasan oo u safray Imaaraadka xilli jiida dagaalka laga sugayay

Cabdi Cade

Hogaamiye dhowr bilood ka hor la shaaciyey in la dilay oo Video soo diray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka oo diiday inuu qaato talaalka AstraZeneca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---