Waxaa maanta baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya , kaddib markii ay inta badan kulanka ka maqnaadeen xildhibaannada Golaha Shacabka uuna buuxsami waayay kooramka.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in maanta kulanka golaha u baaqdo kooram la’aan, waxa uuna sheegay in marar badan digniino siiyeen xildhibaannada aan imaan fadhiyada Baarlamaanka .
Waxa uu sheegay Guddoomiye Abshirow waxii ka dambeeya bishan in gunnada laga jari doono xildhibaannada ka maqnaada fadhiyada Baarlamaanka, waxa uuna xusay in bishaan rabeen in gunnada ka jaraan xildhibaannadii horey u maqnaadeen balse u suurto gali weysay.
Guddoomiyaha ayaana digniin u diray xildhibaannada aan imaan fadhiyada Baarlamaanka , waxa uuna sheegay in bishan kaddib xildhibaankii aan imaan fadhiyada Baarlamaanka laga jari doono gunnada uu qaato sida ku qoran xeer hoosaadka, sidoo kale lala xisaabtami doono.
Kulamada Golaha Shacabka ayaa marar badan u baaqday kooram la’aan, iyada oo xusid mudan tahay inta badan in xildhibaannada ay joogaan magaalada Muqdisho hadda aysan aadin fadhiyada Baarlamaanka, halka kuwa kalana fasax la;aan dalka dibadiisa isaga maqan yihiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com