Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo lacag ku bixinaya dacaayado ka dhan ah Xildhibaanadii mooshinka…

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliuya, ayaa dhawaan mooshin la xisaabtan ah ka gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo abuurida khilaaf joogto ah.

Mooshinkan markii uu soo shaac baxay ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda bilaabay in uu dhaqaalo badan ku bixiyo sidii isaga loo difaaci lahaa, waxa uu sidoo kale wasiirka maalgalinayay in dacaayado laga faafiyo xildhibaannada isaga mooshinka ka gudbiyay.

Dadka uu wasiirka adeegsanayay oo isugu jiray siyaasiyiin iyo wariyaal ayaa xildhibaannada mooshinka ka gudbiyay Wasiir Axmed Fiqi ku tilmaamayay kuwa aan damiir laheyn laheyn oo ka shaqeenaya danaha dowladda Itoobiya oo xilligan khilaaf kala dhaxeeyp dowladda.

Waxa ay sidoo kale kooxda uu wasiirka maalgaliyay sheegayeen in sababaha wasiirka looga gudbiyay mooshinka ay tahay in uu adkeeyay viisihii xildhibaannada Yurub ku aadi jireen iyo sidoo kale qaadashada baasaboorada diblumaasiga iyo midka shaqaalaha dowladda.

Wasiir Axmed Fiqi oo ku eedeysan in shaqadii Wasaaradda Arrimaha Dibadda isaga kaliya isku soo koobay uuna meesha ka saaray awoodii kuxigeenkiisa, wasiiru dowlaha iyo agaasimaha Guud ayaa u muuqda mid dhagaha ka fureesanaya eedeymaha loo jeediyay , walina qaadaya tallaabooyin xaalka uga sii daraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

AMISOM oo shaacisey iney bilaabeyso howlgal dalka saarayo Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Sawirro) Xaflad sagootin ah oo Baydhabo loogu qabtay wafdigii Raisul Wasaaraha

Caydiid Ali

Faadumo Abuukar oo maalin kahor arooskeeda geeri naxtin leh ku timid

Cabdi Cade