Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay xaalada Madaxweyne Geelle (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa galabta dib ugu laabtay dalka Jaabuti, kaddib safar caafimaad iyo mid shaqo uu ugu maqnaa magaalada Paris ee caasimadda dalka Jabuuti.

Garoonka diyaaradaha magaalada Djabuuti ayaa lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Madaxweynaha loo galbiyay qasrigiisa.

Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa baahisay sawirro laga soo qaaday Madaxweynaha oo garoonka kasoo degay, waxa ayna baahiyeen Madaxtooyada safar shaqo uu ku maqnaa kasoo laabtay.

Warar saacadihii lasoo dhaafay la baahinayay ayaa shaki lagu galiyay xaalada Madaxweyne Geelle oo ku sugnaa Faransiiska, waxa ayna dadka qaar sheegayeen in xaalada Madaxweynaha liidato, halka kuwa kalana sheegayeen in uuba dhintay.

Related posts

Sheekh Shaakir oo Shaaciyay in aan Dagaal looga saarin Guriceel balse Sabab kale uga baxeen

Cabdi Cade

Ciidanka ATMIS oo wiil dhalinyaro ah ku dilay isgoyska Ceelgaab iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo ka hadlay Dagaalka ka socda Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---