Allbanaadir.com
NEWS

Askar katirsan Booliiska oo Qur’aan Akhris lagu abaalmariyay (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo xiray tartanka Qur’aanka kariimka ee ay ka qayb galeen qaar kamid ah ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka tartanka Qur’aanka ee loo qabtay ciidanka Booliiska ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino ka farxiyay ciidamadii kaalmaha koowaad, labaad, iyo saddexaad ka galay tartanka.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in muhiimad gaar ah la siin doono ciidanka xafida Qur’aanka, laguna qiimeyn doono aqoontooda diineed, isagoo xusay in horumarinta aqoonta diinta ay tahay mid ka mid ah mudnaanta waaxda amniga gudaha, si loo dhiso ciidamo leh aqoon iyo anshax wanaagsan.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaan horey loogu qaban jirin tartanka Qu’aanka Kariim, waxaa sidoo kale taliyihii Booliiska ee xilka laga qaaday derajooyin ciidan siiyay askar xifdisay Qu’aanka Kariimka.

Related posts

RW Abiy Ahmed oo go’aan kama dambeys ah ka qaatay dagaalka uu kula jiro TPLF

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada DF oo xukun adag ku riday xubno ka tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso :Waxyaabaha laga maarmaanka u ah in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---