Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo tuug & khaa’in ku sifeeyay qofkii..”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha Bankiyadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa Ganacsatadda ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay” ogow adeege ayaad tahay cashuurta iibka waxa laga rabaa waa qofka Soomaaliyeed ee wax gadanaya ha isku dayin in khiyaanto waa dambi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Bankiyadda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta bixinta Cashuuraha oo ay door muhiim ah ka qaateen, isagoo ku baaqay in ganacsatada kalena ku daydaan oo fududeeye u noqdaan Cashuur bixiyeyaasha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuda ayaa sheegay in khiyaanole uu yahay qofka lacagta canshuurta meeshii loogu tala galay ku bixin, dowladuna ay la xisaab tami doonto cid kasata nidaamka canshuur bixinta ka hortimaado

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in ay waajib tahay in shacabku ay bixiyaan canshuurta si dalku u gaaro isku filnaasho. “Waa tuug iyo khiyaanoole qofkii hareer mara nidaamka bixinta canshuuraha.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Related posts

Daacish oo baahisay sawirada kooxdii fulisay weerarkii Moscow (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay tahay digniinta ka soo baxday Maamulka Puntland ee shacabka loo jeediyey?

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo baxay Dowlada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---