Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurado hub siday oo saaka ka degay Boosaaso

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa saaka halkaasi laga dejiyay hub iyo saanad ciidan.

Laba diyaaradood oo siday hub iyo saanad ciidan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka degay garoonka diyaaradaha Boosaaso sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shaqaalaha ayaa sida wararku tibaaxayaan laga saaray gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso halka in yar oo ku hartayna taleefonnada laga ururiyay markii ay dagayeen diyaaradaha hubka siday si aaney muuqaalo uga duubin.

Xog kooban oo aan ka helnay saraakiil ciidan ayaa xaqiijinaysa in hubka saaka lagu keenay labada diyaaradood ee laga dejiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid ay Puntland ka soo iibsatay Itoobiya.

Dhowaan ayey aheyd markii gaadiid hub ka keenay Itoobiya la soo geliyey degaanada Puntland, kaasoo Wasiirka warfaafinta Puntland oo wax laga weydiiyey uu beeniyey isagoo sheegay in gaadiidkaas ay wadeen baradho.

Related posts

Ciidamada amaanka oo qabtay Jaakad waxyaabaha qarxa lagu soo qariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Erdogan oo ka Carooday Sharci ay dowlada Faransiiska Qorsheenayso in ay hirgaliso

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo kormeeray taliska Ciidanka Booliska Puntland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---